Hay’adda u qaabilsan la dagaalanka denbiyada qaaradaha ka dhex dhaca ee Europol ayaa sheegtay in ay booliiska wadammo badan ay xireen denbiilayaal ku lug lahaa hawl denbiyeedyo kala duwan webka qaybtiisa qarsoon ee loo yaqaan DarkWeb. Hawlgal ay ugu magacdareen DarkHunTOR ayaa lagu sheegay in lagu qabtay dadkaas tirada badan.
Darkweb waa qayb ka mid ah internetka oo aan borogaraamada browser-ka caadiga ah aan lagu gali karin, looguna talo galay inaan qofka isticmaalaya la ogaan meesha uu joogo ama waxa uu sameynayo iwm. Taas ayaa markaa waxay keentay in kuwa denbiyada sida iibinta maandooriyaha, dhaca hantida dadweynaha iyo weliba denbiyada kale ee la xiriira lacag isdaba marinta, dhoofinta gabdhaha iwm inay isticmaalaan oo ku dhuuntaan. Waxaana jira macaamiil farabadan oo nooc denbiyeedkaas wax ku kala iibsada iskuna weydaarsada fariimaha iyo macluumaadka kale.
Adeegsiga DarkWeb ee dhinaca denbiyadda khatarta ah ayaa waxay keentay in booliiska wadammada Maraykanka, Jarmalka, Ingiriiska, Talyaaniga iwm ay sameeyaan habab ay kula socdaan baraha kala duwan ee ka samaysan DarkWeb ee ay isticmaalaan qolyaha denbiyada kala duwan ku kaca.
EuroPol waxay sheegtay in booliiska wadammaas ay xireen in ka badan 65 qof dalka Maraykanka, 47 dalka Jarmalka, 24 Dalka Ingiriiska iyo 4 qof oo lagu qabtay dalka Talyaaniga iyo 4 kale oo lagu qabtay dalka Netherlands. Waxaa kaloo Europol sheegtay in ay gacanta ku dhigeen lacag ka badan 30 milyan oo doolar iyo maandooriyayaal fara badan.
Sanadihii danbe ayaa waxaa la hawl geliyey laamo kala duwan oo ka mid ah booliiska kuwaas oo loo tababaray inay ka warhayaan denbiyada ka dhaca DarkWeb isla markaasna ay bilaabeen inay dabagal ku sameeyaan boggaga ka furan internetka noociisa qarsoon taas oo keentay in kooxo badan gacanta lagu dhigo.
Akhristow fari kama qodna arinka denbiyada ka dhaca DarkWeb waana meel inta badan wadammadda caalamka aysan awood u lahayn inay la socdaan waxyaalaha ka socda maadaama barahan loogu talo galay markii horeba in aan la ogaan dadka isticmaalaya. DarkWeb waxaa sidoo kale adeegsada kooxaha sheegta inay u doodayaan xaquuqda insaanka gaar ahaan wadammada la sheego inay caddaadis iyo keligii talisnimo ka jirto iwm.
Siyaad Cali Yuusuf
Ogaaltek