Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay bedeshay magaceedii loo yaqaaney ee Facebook taas oo ay u bedeshay Meta. Akhristow magaca Facebook ee la bedelay maaha kan Facebook ee barta lagu wada xiriiro ee waxa la bedelay waa magaca shirkadda oo hawlo kala duwan qabata.
Shirkada Facebook waxaa ka mid ah adeegyadeeda Instagram, WhatsApp, Oculus VR , Private Core iyo kuwa kale oo badan. Dhamaan adeegyadaan kala duwan ee Facebook ayaa waxay ku shaqeynayeen magaca Facebook Inc. (Facebook Incorporation) taas oo hada loo bedelay Meta.
Meta oo ka soo jeeda eray Giriig ah (Greek) taas oo micnaheedu yahay waxa aan markaa loo jeedin ama la arag (Beyond Horizon). Maamulaha Facebook ee Mark Zuckerberg oo soo bandhigayey magaca cusub ayaa yiri “Muddo kadib waxaan rajeynayaa in naloo arko shirkad caalamka cusub qaybweyn ka qaadata noqotana waxa uu ugu yeeray Metaverse oo uu uga jeedo (caalamka internetka cusub) isla markaasna metasha waxa aan doonayno inaan samayno. Asaga oo hadalka sii wata ayuu yiri, waxaan hada eegeynaa in aan soo bandhigno laba ganacsi oo kala ah kan nalaku yaqaaney ee baraha kala duwan sida Facebook iyo midka cusub oo aan hada ka shaqeynayno mustaqbalkana ugu talo galnay in uu meel maro. Si markaa tan looga guul gaaro ayuu yiri Mark Zuckerberg waa inaan magac cusub la baxnaa oo hawlahayaga kala duwan metalaya”.
Facebook oo ka mid ah shirkadaha kala duwan ee tiknolajiyadda caalamka ayaa hadana wajahayey mudooyinkii ugu danbeeyey caqabado kaga imanayey xagga adeegsiga barahooda kala duwan ee dhinaca faafinta xumaha iyo been abuurka.
Dadka ka faalooda magac bedelidan oo kale ayaa sheegay inay arinkan u muuqato mid Facebook ku doonayo inay indhaha dadka iyo dawladaha caalamka kaga jeediyaan eedaha kala duwan ee Facebook wajahayo. Sidoo kale waxay sheegeen in magac bedelida noocaa oo kale ah aysan micna badan u samaynaynan dadka kala duwan waayo lacagta ugu badan Facebook wuxuu ka helaa barta Facebook iyo Instagram kuwaas oo dadku wax ku xayeysiistaan.
Shirkadda Google ayaa 2015kii bedeshay magaceeda una bedeshay AlphaBet sida aan wada ognahayna cid sidaas u taqaan Google waa yartahay sidaa awgeed magacan cusub ee Meta ama Metaverse micna badan ma soo kordhinayo.
Dadka badankiis waxay isticmaalaan maanta Facebook, Instagram, WhatsApp magacyadooduna isma bedelayaan.
Siyaad Cali Yuusuf
Ogaaltek