Tiknolajiyadda cusub ee uu hogaaminayo Internetka iyo aaladaha la halmaala ayaa waxay leedahay dhibaatooyin farabadan kuwaas oo taabanaya nolosha qof kasta oo caalamka ku nool hadii uusan iska jirin ama iska waardiyeyn khatarahaas kala duwan iyo hagardaamada lala maagan yahay.
Waxyaalaha aadka muhiimka u ah in la ogaado waxaa ka mid ah in tiknolajiyadan cusubi ay soo kordhisay habab gumaysi cusub oo aan hore loo arag kaas oo inta badan aan dadka badankiis fahmi karin.
Gumaysiga cusub ee tiknolajiyadda waxaa loogu yeeraa (digital colonialism) taas oo ku saabsan in shirkadaha tiknolajiyadda iyo wadammada iska leh ay dad badan oo caalamka daafahiisa kala duwan ku nool ka dhigeen wax hogaansan oo waxkasta oo tiknolajiyaddan u keento iska raaca isla markaasna kaga dhunto wakhti, caqli, aduun iyo aakhiro intaba.
Aannu eegno maanta xaalka dad badan oo aduunka jooga, gaar ahaan dalkeena Soomaaliya. Imisa qof oo leh dhalin, waayeel, hooyo, aabe, shaqaale, guri joogto iwm oo aad u mashquulsan kuna mashquulsan baraha kala duwan ee Internetka gaar ahaan waxa loogu yeero baraha bulshada sida Facebook, Youtube, TikTok, Instagram iwm.
Gumaysiga tiknolajiyadda cusub ay keentay waxaa iska kaashada shirkadaha kala duwan ee tiknolajiyadda Internetka iyo isgaarsiinta hadey tahay kuwa borogaraammada sameeya sida Google, Facebook, TikTok iyo hadey tahay kuwa sameeya qalabka isgaarsiinta iyo telefoonada sida Samsung, Apple, Huawei iwm.
Dhalinyarada hadeynu eegno oo ah mustaqbalka dalka, maanta waxaad arkaysaa intooda badan inay ku mashquul yihiin mobile-kooda iyaga oo isticmaalaya har iyo habeen waxyaalo aan dani ugu jirin aduun iyo aakhiro. Imisa wakhti ayaad akhristow isleedahay dhalintan Soomaaliyeed ee Muslimka ah waa kaga dhumaa waxyaalaha aan micna lahayn ee har iyo habeen ay mashquulka ku yihiin.
Aan eegno waxyaalaha ka dhumaya mustaqbalkeena dalka iyo dhalinta gaar ahaan iyo waxyeelada soo gaareysa hadaan la daba qaban.
- Waxbarashadii iyo cilmigii oo ka yaraada, ayna ka mashquulaan taas oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliya
- Akhlaaqda oo ka xumaata, maadaama ay marwalba eegayaan, daawanayaan ama la falgalayaan muuqaalo aan ku haboonayn dhaqankeena suuban iyo diinta islaamka
- Caafimaadkooda maskaxeed iyo kan muuqaal (body) oo xumaada maadaama aysan isla jaan qaadi karin nolosha runta ah ee inantu/inanku ku noolyahay iyo tan tiknolajiyadda ay ka dawaanayaan ama ka arkayaan ee khiyaaliga ah
- Amniga dalka, naftooda oo halis galaysa iyo weliba in ay ku kacaan waxyaalo ka baxsan caqliga saliimka ah oo ay ka mid tahay kufsi, waalid caasi, isdil, gaalnimo iwm.
Tiknolajiyadda Internetka iyo baraha kala duwan waxay ku dhisan yihiin hab ku saabsan inaysan seexan oo nasan habeen iyo maalin isla markaasna waxay soo qufayaan waxkasta oo caalamka daafahiisa kala duwan ka dhaca ama laga sameeyo kuwaas oo ka imanaya ama ka soo fulaya inta badan dad aan nala dhaqan ahayn nala diin ahayn, ujeedkooduna yahay inay marin habaabiyaan dhalinta iyo cidkasta oo kale.
Hababka loo qaabeeyey tiknolajiyadda cusub waxa weeye in qofku qabatimo oo uusan ka fuqin, taas oo ah waxa kalifaya in qofka aad arkayso asaga oo habeen iyo maalin mobile-kiisa ku dhegan oo eegaya. Taas ayaa inta badan loo aaneeyaa gumaysiga cusub waayo shirkadda iska leh barahan lagu mashquulsan yahay waxay iyadu dadaal ugu jirtaa in barteeda marwalba la joogo oo lagu jiro taas oo dhinaca kale shirkaddu ay ka helayso lacag farabadan oo uga imanaysa xagga xayeysiiska shirkadaha kala duwan ee caalamka ee doonaya dadkan tirada badan inay arkaan badeecadooda leh mid xun iyo mid fiican intaba.
Ugu danbeyn waxaa la gudboon dadkeena gaar ahaan inta wax garanaysa, waalidka, dawladda, culimmada, odayaasha in loo guntado in gumaysigan cusub laga hortago inta aysan gaarin meel aan laga soo noqon karin waxaana muhiim ah in la sameeyo arimahan.
- Wacyi gelin baahsan, in dadka gaar ahaan waalidka la gaarsiiyo in ay ilmahooda ka ilaaliyaan isitcmaalka tirada badan ee baraha bulshada, games-ka iyo Internetka guud ahaan
- In waalidku xil iska saaraan inay iyagu iska daayaan isticmaalka tirada badan ee Internetka, waayo waalid asagii mashquul ku ah baraha bulshada sideebuu gabadhiisa ama wiilkiisa uga ilaalin karaa khatarta ku wajahan ee duljoogta
- In dhalinta aan loo gadin mobile-ka internetka soo qabta (Smartphone) ugu yaraan inta ay ka gaarayaan 20 sano iyo wixii ka wayn, lana muujiyo adkaysi arintaan ku saabsan
- In wakhti gaar ah dhalinta Internetka loo ogolaado oo cayiman, isla markaasna ay jirto wakhti aysan internetka isticmaali karin sida wixii ka danbeeya 9 habeenimo iwm.
- In ay jirto isla xisaabtan, gaar ahaan dhinaca dadka loo shaqeeyo, dawladda, iskuulada iwm taas oo ku aadan in laga reebo goobaha shaqada in lagu isticmaalo Internetka aan waxtarka lahayn.
Qaybo badan ayaa ka mid ah gumaysiga dhinaca tiknolajiyadda sida in loo adeegsado in wadammada kuwa aan awooda badan lahayn kor laga maamulo dhinac dhaqaale, ciidan, siyaasadeed iwm. In dadyowga sida Soomaalida oo kale ama guud ahaan Afrika laga dhigo kuwa ku mashquulsan wixii aan hada ka soo hadalnay laguna sameeyo waxyaalo kale oo farabadan.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa in arimaha gumaysi ee tiknolajiyaddan cusub ee Internetku keentay aysan ahayn mid qoraal yar lagu soo koobi karo ee ay intaa ka balaaran tahay una baahan tahay in si wada jir ah looga hortago dhinacyada xun ee saameynta weyn ku leh mustaqbalkeena dadeed, aduun iyo kan aakhiraba.
Siyaad Cali Yuusuf
OgaalTech